Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Muddo ka dib ceelal ay doogeen kooxda Al- Shabaab oo dagaal ka wada deegano ka mid ah gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa maanta oo Jimca ah dib loo howlgaliyay.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo la hadlay RBC ayaa sheegay in dadaal badan ay ku bixiyeen sidii dadka degaanada Cadda-kibir iyo Baxdo ay u heli lahayeen adeegyadii aas -aasiga ah sida biyaha oo kale.
Dadka degaanka iyo xubno ka socda maamulka Galmudug ayaa iska kaashaday sidii dib loogu howlgalin lahaa ceelbiyoodyada iyo baraagihii ay dugeen Kooxda Al- Shabaab .
Maamulka Galmudug ayaa maalmo ka hor sheegay in ay xooga saari doonaan sidii Al- Shabaab loogu dulqaadi lahaa dadka shacabka ah ee ku nool degaanada maamulka Galmudug.
Al- Shabaab ayaa la sheegay in ay gubeen isla markaana ay dugeen ceelbiyood ay adeegsanayaan dadka deegaanka taas oo keentay in dadka ay isaga cararaan deegaankooda , inkastoo hadda ay bilaabeen in ay soo laabtaan.
Madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo dhawaan tagay Cadda-kibir ayaa hore u balan qaaday wax ka qabashada dhibaatada ceelasha ay u gaysteen kooxda Al- Shabaab.
Tallaabada Al-Shabaab ku burburisay ceelashii biyaha iyo baraagihii ku yaallay degaanka ayaa ku soo aadaya xilli ay gobolka ka jirto biyo la’aan xooggan, ceelsha oo yar iyo abaarta daran ee dalka ka jirta
Leave a Reply