Koror ku yimid tirada Tahriibayaasha ku dhintay badda Mediterranean-ka.

Tunisia (Raxanreeb ) Ugu yaraan 8 qof oo tahriibayaal ah ayaa dhintay 15 kalena waa la la’yahay kadib markii dooni ay la socdeen ay ku degtay xeebaha Tunisia.

Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa soo badbaadiyay 14 qof oo tahriibayaal ah oo la socday dooni buux dhaaftay, taasi oo ku degtay magaalada Chebba ee gobolka Mahdia.

Sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in doonidu ay toddobaadkan kasoo baxday xeebta Ceel-awabed ee gobolka Sfax.

Inta dadka saarnaa dooni dadka saarnaa ee ku dhintay iyo kuwa la soo badbaadiyay waxa ay u dhasheen dalka Tunisia sida uu sheegay sarkaal ka mid ah dalkaas.

Xeebta Sfax ayaa noqotay meel ay ka dhoofaan dadka saboolnimada kasoo cararaya Afrika iyo Bariga Dhexe si ay fursad ugu helaan nolol dhaanta Yurub.

Dalalka Tuunisiya iyo Liibiya ayaa kamid ah meelaha ay ka baxaan dadka muhaajiriinta ah ee doonaya inay gaaraan Yurub iyagoo sii maraya marinka dhexe ee badda Mediterranean-ka.

Nolol badan ayaa marinka sii gaalaafanaya iyada oo aysan jirin tallaabo la taaban karo oo ay qaadeen dowladuha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.