Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay rag ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo dilay mid ka mid ah, nabadoonnada Muqdisho, Cabdi Xasan Muxidiin oo caan ka ahaa degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxda weerarka geystay ay sidoo kalena goobta ku dishay askari ilaalo u ahaa Nabaddoonka dhintay.
Ciidamada amniga ayaa sheegay in ay ku guuleystee in ay gacanta ku dhigaan laba kamid ah kooxdii weerarka ku toogtay nabadoonka.
Masu’ul ka tirsan maamulka degmada Dayniile oo warbaahinta lahadashay ayaa sheegtay in shakhsiyaadka laqabtay u uku jiray ruuxa fuliyay dilka Nabaddoonka, halka ruux kalena yahay mid isaga oo meyd ah la helay kadib markii ciidanku ay soo gabagabeeyeen bariintaankaasi.
Muqdisho, ayaa dilalka kusoo badanayaan muddooyinkii danbe iyadoo dhowaan sidan oo kale lagu dilay degmada Dayniile Nabadoon caan ahaa kuwaas oo markii danbe kooxda dilka geysatay lagu qabtay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.