Muqdisho (Raxanreeb )- Magaalada Muqdisho waxaa lagu beegsaday askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.
Askartan oo ku sugnaa bar kantarool ayaa lagu soo waramayaa in ciidanka lala eegtay qarax miino oo goobta la dhigay sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Afar qof ayaa ku dhaawacmay oo mid ka mid ah uu yahay askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaas oo dhaawacyadooda goobta laga qaaday.
Ka dib qaraxa waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda , waxay goobta ay ka qab qabteen tiro dad ah oo ay ku eedaynayaan falal amni darro.
Dhawr jeer ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa qaraxyo lagula eegtay magaalada Muqdisho
Ciidanka Dowladda dhankooda waxay wadaan howlgalo ay ku doonayaan in ay kaga hor tagaan falalka amni darro ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.
Leave a Reply