Sarkaal muhiim ahaa oo lagu toogtay magaalada Muqdisho.

Sarkaal muhiim ahaa oo lagu toogtay magaalada Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb ) – Koox  hubaysan ayaa magaalada Muqdisho ku – toogtay sarkaal  ka tirsanaa ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Sarkaalkan  oo lagu magacaabi jiray Gaashaanle Cabdullaahi Cali Calasow (Madaxey) ayaa la rumaysan yahay in dilkaas ay ka danbeyaan kooxda Al- Shabaab.

Waxa uu ka dhacay dilka sarkaalkan degmada Karaan ee magaalada Muqdisho halkaas oo  uu deganaa sida ay sheegeen laamaha amniga.

Sida lagu waramay , waxa uu  horay usoo noqday sarkaalkan la toogtay taliye ku xigeenkii booliska degmada Waabari iyo sidoo kale taliyaha ciidanka Taraafikada ee magaalada Jowhar.

Mas’uuliyiinta degmada Karaan iyo laamaha ammaanka ma aysan soo saarin faahfaahian dheeraad ah  oo ku aadan toogashada loo gaystay Cabdullaahi Madaxey.

Waa dilkii labaad ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, waxaana xalay Nabadoon lagu magacaabi jiray Cabdi Xasan koox ka tirsan Shabaab ay ku dishay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan si aad ah ugu soo kordhaya dilalka ay gaysanayaan koox la rumaysan yahay in ay ka tirsan yihiin Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.