Ma waxaa la isku furay waddada xiriirisa Beledwayne & Buulaburde ?

Beledwayne (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waday howlgalo ay ku doonayaan in deegaanada gobolka Hiiraan ay kaga saaraan Kooxda Al- Shabaab oo sanado badan maamulayay meelo ka mid ah Hiiraan.

Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in 13-sano ka dib la isku furay wadada xariirisay degmooyinka Beledweyn iyo Buuleburdi ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa Al-Shababa ka saaray wadada iyo deegaanada ka ag-dhawaa halkaas oo ka mid ah meelaha saldhigyada ay ku lahaayeen Kooxda Al- Shabaab.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in intii ay ku guda jireen furista waddooyin ay sameeyeen howlgal ay ku sifeynayaan deegaanka.

Goor sii horeysay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, Wasiirka Gaashaandhigga iyo saraakiil kale ayaa shalay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka kula hadlay jiida hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ka socda gobolka Hiiraan waxa ay sheegeen in ku dhawaad 130 dagaalyahan oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab lagu dilay degaannada ay labadii maalin ee la soo dhaafay ka socdeen dagaallada.

Dagaaladan ayaa dad badan oo ku noolaa tuulooyin iyo deegaanno ku yaala gobolka Hiiraan ka oo qixiyay guryahooda. Qaar badan oo ka mid ah ayaa soo gaaray magaalada Beledweyne.

Leave a Reply

Your email address will not be published.