Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay oo xabaalo wadareedyo ka helay bariga DR Congo

Congo Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ayaa helay tobanaan meydad ah oo ku jira xabaalo wadareedyo.

Helitaankan ayaa yimid kadib markii kooxo hubaysan ay weeraro isdaba joog ah ka fuliyeen gobolka Ituri.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay, Farhan Haq, ayaa sheegay in maydadka 42 qof, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, laga helay tuulada Nyamamba, iyo 7 kale oo rag ah oo laga helay tuulada Mbogi.

Ciidamada nabad ilaalinta, ayaa roondo ka bilaabay deegaanka, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay soo weerareen maleeshiyada Codeco.

Dagaal yahanada ayaa waxay inta badan kasoo jeedaan beesha Lendu ee beeraleyda ah, oo muddo dheer dagaal kula jirta xoolo-dhaqatada Hema.

Leave a Reply

Your email address will not be published.