TPLF oo sheegtay in weli ay ku saganyihiin ciidamada Eritrea gobolkooda

Mekelle (Raxanreeb) — Xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF), ayaa beeniyey hadal ka soo yeeray dhex dhexaadiyaha Midowga Afrika, Olusegun Obasanjo, kaasoo ahaa in ciidamada Eritrea ay isaga baxeen waqooyiga gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kaddib heshiis lagu soo afjarayo laba sano oo dagaal sokeeye ah.

Obasanjo ayaa u sheegay Financial Times usbuucii hore in “dhammaan ciidamada Eritrea” ee ka barbar dagaalamayey ciidamada federaalka Itoobiya dagaalkii Tigray ee qarxay bisha Noofambar ee sanadka 2020-ka ay dib ugu laabteen xudduudda Eritrea.

Si kastaba ha ahaatee, Prof Kindeya Gebrehiwot, oo ah sarkaal ka tirsan kooxda TPLF, ayaa saaka soo galiyay sawirka askarta Eritrea oo la sheegay inay ku sugan yihiin magaalada Shire.

“Xaqiiqdu waxay tahay in ciidamada Eritrea ay weli joogaan Tigray, ma joogaan xudduudaha! Sawirkan oo dhawaan soo baxay, ayaa muujinaya ciidamada Eritrea ee ku sugan Shire.

Tigray waxay dhiibeen hubkii cusaa, ciidamada Eritereeya waxay ahayd inay ka baxaan Tigray, sida uu dhigayo heshiiska,” ayuu yiri.

Hadalka Obasanjo, ayaa sidoo kale waxaa beeniyay afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda, oo sheegay in saraakiisha AU-da ay tahay in ay “shaqadooda qabsadaan marka hore, ka hor inta aan la sheegin hadalkaas”.

Ciidamada TPLF, ayaa hub aad u culculus ku wareejinayay ciidamo ka tirsan dowlada federaalka, taasi oo qeyb ka ah heshiiskii nabadeed ee maamulka Ra’isul wasaare Abiy Axmed.

Dhinaca kale TV-ga lagu magacaabo Dimtsi Wayane ee ay maamusho kooxda TPLF, ayaa sheegay in kooxda Axmaaradu ay ku qasbayaan shacabka ku dhaqan dhulka lagu muransan yahay, ee u dhexeeya gobolada Tigreega iyo Axmaarada inay isu diiwaan galiyaan qoomiyada Axmaarada.

Gobolka Wolkayit-Tsegede, ayaa waxaa qabsaday ciidamada Axmaarada intii uu socday dagaaladii sokeeye ee sababay rabshado lagu hoobtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.