Baay: Ciidamada DF oo la wareegay deegaanno horleh

Baydhabo (Raxanreeb) — Wakaaladda Wararka ee afka dowladda ku hadasha ee loo yaqaanno SONNA ayaa daabacday warar sheegaya in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa malleeshiyaadka Koonfur galbeed ay kala wareegeen Al-Shabaab deegaanno cusub.

“Ciidamada Xoreynta Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga dalka oo iskaashanaya ayaa Maanta Al Shabaab kala wareegey Deegaannada kala ah Saydheelow, Buula jadiid, Mataani, uusli iyo Busley oo dhamaantooda ka tirsan Gobolka Baay. Kuwaas oo ay dadka ku dhibateeyn jireen kooxda Khawaarijta.

Ciidamada ayaa hadda waxa ay ku wajahanyihiin deegaanka Labaatan jirow oo ah Saldhigga ugu weyn ee kooxda Al shabaab ay kuleeyihiin Gobolka Baay.

Hawlgalkan ayaa qeeyb ka ah dib u xoreeynta Deegaannada kooxdu dhibaatooyinka xagga nolosha ah ah ka geeysteen waxaana socdo dagaallo kooxda jab xooggan lagu gaarsiiyay”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.