Garoowe (Raxanreeb ) Wararka RBC uu maanta ka helayo maaaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya in Maanta dib loo dhigey kulan ay kula xisaabtami la haayeen xukuumadda Madaxweyne Deni.
Dib u dhigista qorshahan ayaa yimid ka dib markii maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar kala duwan oo sheegayay in Baarlamanka Puntland ay diyaarinayaan in ay kalsoonida kala noqdaan wasiiro ka tirsan xukuumadda Saciid Deni.
Suxufiyiin ku sugan magaalada Garoowe ayaa RBC u sheegay in Kalfadihiga 50aad ee Golaha oo muddo badan furnaa ayaa la xiray ,iyadoo lagu balamay in dib la furo kalfadhiga 51aad bisha October ee soo socata.
Weriyayaasha maanta ku sugnaa Hall-ka ayaa sheegaya in xildhibaanada ayaa isku raacay in fursad la siiyo madaxweynaha uu kusoo magacaabo maxkamada sare ee Dowlad goboleedka Puntland.
Xogo laga helayo Puntland ayaa ku waramaya in Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu farogeliyay, kulanka Golaha Wakiilada taas oo keentay wixii maanta ka dhacay xarunta Barlamaanka Puntland.
Leave a Reply