FALCELIN :Villa Soomaaliya sida ay u dhigtay Is-aragii MD Xasan & Biden

FALCELIN :Villa Soomaaliya sida ay u dhigtay Is-aragii MD Xasan & Biden

Muqdisho ( Raxanreeb ) In muddo ahba waxaa la hadal hayay suurtagalnimada in Madaxwaynaha Soomaaliya oo ka qayb – galayay meerida 77aad ee Qaramada Midoobay uu halkaa kula kulmayo Madaxwaynaha Dalka Mareynkanka Joe Biden.

inta uu ku sugnaa Madaxwaynaha Soomaaliya Dalka Mareynka waxa baraha bulshada qabsaday warka ku saabsan in Madaxwaynaha Soomaaliya uu aad u doon- doonayay isla markaana juhdi badan galiyay.

Xassan Sh. Maxmuud & Madaxweyne Joe Biden waxay ka wada qeyb-galeen Tacsida Elizabeth II.

Xassan ergo ayuu dirsaday in kulan-doceed kooban uu la yeesho Joe Biden. Balse Madaxweynaha Mareykan waa uu ka cudur-daartay sidaas waxa RBC uu ka soo xigtay masuuliyiin ku dhaw Villa Soomaalia.

Bogga Villa Soomaalia ayaa lagu daabacay ka dib qoraal loo dhigay in Madaxwaynaha Soomaaliya ay is arkeen Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh , si gaar ah qoraalka Villa -da ayaa lagu sheegay in Madaxwaynaha uu qayb galay marti qaad uu saameyay Bidin.

Dadka dhaliila Dowladda Federaalka ee Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Dowladda Mareynkanka wax ahmiyad ah uusan siin Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud keliya uun isku arkeen kulan wayne loo sinaa ee uu sameeyay Joe Biden.

Siyaabaha adkeeyay kulanka labada dhinac ee Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Joe Bidin ayaa lagu fasiray – Sannadkaan July 15 marki uu la kulmay Mohamed Bin Salman oo dacwad dambiile dilki Jamal Kashagji ku furan tahay Joe Biden .

W.Q Hanad Ali Guled.

Leave a Reply

Your email address will not be published.