Ciidamo kawada tirsan Puntland oo ku dagaalamay magaalada Garoowe

Ciidamo kawada tirsan Puntland oo ku dagaalamay magaalada Garoowe

Garoowe (Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helay iska hor-imaad ciidamo kawada katirsan Puntland ku dhexmaray magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku daraya in Ciidamo ka tirsan Birmadka Booliska Puntland iyo ciidamo watay saddex gaari oo tikniko ah oo la sheegay in uu lahaa siyaasi Maxamuud Mashruuc kana yimid gobolka Bari ay isku rasaaseeyeen kantaroolka bari ee magaalada Garoowe.

Tacshiirada ayaa sababtay dhaawaca ilaa saddex ka mid ah ciidamada Maxamuud Mashruuc oo markii dambe dib u laabtay, iyaga oo la sheegay in ay dhaafeen tuulada Sin-ujiif ee gobolka Nugaal.

Siyaasi Maxamuud Mashruuc wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ee hubaysan, islamarkaana xiriirka la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

Sikastaba, maamulka Puntland ayaa saakay kantaroolka bari ee magaalada Garoowe gaysay ciidamo ka tirsan Birmadka Booliska Puntland, iyada oo Sidoo kale Puntland ay hore ciidamo u gaysay kantaroolada koonfureed iyo waqooyi ee Garoowe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.