Muqdisho (Raxanreeb Online): Wakiillada beesha caalamka ee ka socda Mareykanka, Ingiriiska, Shiinaha, Turkiga, Itoobiya, Kenya, Suudaan iyo Masar, iyo sidoo kale Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, ayaa Muqdisho kula kulmay Guddiga Doorashooyinka Federaalka.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa wakiillada beesha caalamka warbixin ka siiyay doorashooyinkii Golaha Deegaanka ee ka dhacay Gobolka Banaadir, iyo doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee ka qabsoomay Koonfur Galbeed iyo Galmudug.
Sidoo kale, waxaa kulanka lagu soo bandhigay qorshaha doorashooyinka isku sidkan ee la filayo inay ka qabsoomaan Hirshabeelle.
Safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay horumarka laga sameeyay geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo cod, iyagoo sheegay inay taageerayaan dadaallada lagu xoojinayo hannaan dimuqraadi ah oo awoodda doorashada dib loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed.
Wakiillada beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegay inay Guddiga Doorashooyinka kala shaqeynayaan hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay, hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Leave a Reply