DEG-DEG: Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada “Kuwa Xorta ah” oo Kulmaya

DEG-DEG: Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada “Kuwa Xorta ah” oo Kulmaya

Muqdisho (Raxanreeb Online): Guddiga Xildhibaanada Mucaaradka ee loo yaqaan “Kuwa Xorta ah” iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa galabta kulan yeelanaya, iyadoo la filayo inay sii ambaqaadaan wada-hadallada ku saabsan midnimada iyo isku-duubnida xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallo lagu doonayo in lagu yareeyo kala aragti duwanaanshaha ka dhex jira Xildhibaanada, isla markaana la helo hannaan ay Golaha Shacabku ugu wada shaqeyn karaan si mideysan.

Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo si weyn uga soo horjeeda siyaasadaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isna galabta yeelanaya kulan ay kaga hadlayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qalalaasihii saaka ka dhacay qeybo kamid ah xaafadaha Muqdisho.

Qalalaasaha saaka ayaa la sheegay inuu la xiriiray arrimo dhul, iyadoo xaaladda ay dhalisay walaac iyo hadal-heyn ka dhex taagan bulshada.

Labada kulan ayaa kusoo beegmaya xilli Muqdisho iyo guud ahaan dalka ay ka jiraan doodo siyaasadeed iyo kala aragti duwanaansho ku saabsan jihada dalka, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay wadaan kulamo iyo wadatashi kala duwan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.