Beledwayne ( Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha macwiislayda ayaa lagu soo waramayaa in wali deegaanada gobolka Hiiraan ay ka wadaan howlgal ka dhan ah Al- Shabaab.
Inta badan – howlgaladan ayaa ciidanka Dowladda iyo Macwiislayda waxa ay – kula wareegeen deegaano badan oo ay maamulayeen kooxda Al- Shabaab oo dhaca Gobolka Hiiraan.
Ciidanka Dowladda iyo kooxda gacansiinaysa oo wata gadiid dagaal oo culus ayaa Gudaha u galay Degaanka Ceeymey oo 15 KM u jirto Degmada buulo barde dhanka Galbeedka una dhaw Degaanka Dabayoodle oo kamid ah fariisinka Al-Shabaab.
La wareegista deegaankan cusub ayaa ka dhigaysa in Al- Shabaab gacantooda ay ka sii baxayso inta badan deegaanada gobolka Hiiraan oo kaga furan dagaal xooggan kaas oo xooggaystay bishii aynu soo dhaafnay.
Gobolka Hiiraan Deegaanada cusub ee Al-Shabaab lagala wareegay ayaa waxaa kamid ah Moqokori iyo Tardo, Moora-Eri, Gumarre iyo Qooxle oo hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Ciidanka Dowladda Fedearaalka Soomaaliya ayaa ku howlan sidii Al- Shabaab uga saari doonaan gobolka Hiiraan , waxaana meelo badan oo gobolkaas ka socda howlgal saf mar ah oo ay iska kaashanayaan Ciidanka Dowladda iyo kooxaha Macwiislayda.
Leave a Reply