Somali laga soo badbaadinayo Magafayaasha & maafiyada Liibiya

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Soomaaliya ayaa 27 bishan oo bari ku beegan Dalka Dib ugu Soo Celineeysa ilaa 9 Dhallinyaro Soomaaliyeed oo Tahriib uga baxay dalkooda.

Dhallinyaradaan oo qaarkood Maxaabiis ahaan ay u heysteen Kooxaha Burcadda ee loo yaqaano Magafayaasha ayaa Dowladda Soomaaliya ku guuleysatay in dib loogu soo celiyo dalkooda.

Xoghaye Ayuub oo la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa tilmaamay in Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya ay fududeyneyso safarka Dhalinyaradaan lagu keenayo Magaalada Muqdisho si ay dib ula midoobaan ehelkooda oo markii horay ay ka tageen.

Xoghaye ayaa sheegay in Dhallinyaradaan oo dhivaato badan la kulnay ay safaaraddu u dhameystirtay dhammaan waxyaabihii ay u baahnaayeen .

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa wali ku xiran xabsiyo dowladda Liibiya leedahay iyo xabsiyo gaar ah ay gacanta ku hayaan kooxaha magafayaasha loo yaqaan.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Socdaalka oo kaashaneysa Liibiya & waddamada ay kasoo jeedaan Tahriibayaasha ayaa ku guuleystay dib u celinta Tahriibayaal badan oo xabsi & dhibaatooyin la kulmay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.