Ciidanka Dowladda & kooxaha Macwiislayda oo isku fara- saaray Sh. Dhexe.

Jowhar ( Raxanreeb ) Wararka naga soo garaya deeganka Ceelbaraf ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya  in Ciidanka Dowladda iyo kooxaha  Macawiisleyda dagaal uu  ku dhexmaray deegaankaas.

Wararka ayaa  sheegaya  in uu jiro khasaare  soo kala gaaray labada dhinac sida ay sheegeen goob joogiyaal halkaas ku sugan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii muran uu soo kala dhex galay ciidanka  dowladda  Federaalka iyo maleeshiyada macawiisleyda.

Weli wax war ah kama soo bixin dhanka saraakiisha ciidanka dowladda oo ku aadan dagaalka dhex maray ciidamada dowlada iyo kuwa macawiisleyda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.