Mahad Salaad ” Waa in la baaraa dilka Taliyaha NISA ee Gedo.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Mahad Salaad oo ah madaxa Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa amray in Hay’adda NISA ay baaritaan dhab ah ku sameyso qaraxa laga dilay Taliyihii NISA ee gobalka Gedo C/raxmaan Bakaal Kooke .

Warkan ayaa lagu faafiyay bogga Twitter-ka ee Hay’adda NISA,kadib markii maanta qarax ka dhacay degmada Luuq uu ku geeriyooday Taliye Kooke.

“Bakaal wuxuu shahiiday isagoo xaqa ku taagan, naftiisana u hibeeyay sidii dalka iyo dadka looga dulqaadi lahaa cadowga Khawaarijta ah.” ayuu yiri Taliyaha NISA.

Wuxuu sidoo kale sheegay in howlgallada dalka looga saarayo laguna bartilmaameedsanayo Saraakiisha Al-Shabaab uusan joogsan doonin xanuun kasta oo soo gaara geesiyaasha u taagan difaaca dalka iyo dadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.