Ciidanka Dowladda oo Isgoyska Tarbuunka ku toogtay askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Ciidamo Booliska Soomaaliya ka tirsan ayaa isgoyska Tarbuunka goordhaweyd ku dilay AUN Mustafa Adan Diriye (Galgaley) oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Dilka ayaa yimid kadib markii ciidamada booliska ay rasaas ku fureen gaari uu watay marxuumka oo ay ka shakiyeen xiligaas oo marayay Isgoyska Tarbuunka.

Dad la saarna marxuumka ayaa ka badbaaday falkaan, waxaana goobta gaaray laamaha Ammanka oo baaritaan goobta ka wada.

Dhacdadaan mid ka mid ah ayaa xalay ka dhacay xaafadaha Jaamacadaha ee degmada Hodan oo ay ciidamo boolis ah ku dileen askari ka tirsana Ciidanka xoogga dalka.

Hajir show

Leave a Reply

Your email address will not be published.