Ciidanka Dowladda oo kaabiga ku haya Degmadda Runirgood

Jowhar ( Raxanreeb ) Ciidanka Gorgor & Danab, Xooga dalka & dadka deeggaanka aya u ruqaansaday Degmadda Runirgood oo hadda kaabiga ku hayaan.

Saraakiisha howgalka hogaamineysa waxay sheegeen in runirgood kadib ciidamadda ku wajahan yihiin masagawaay halkaas oo in muddo ah ay maamulayaan kooxda Al- Shabaab.

Dhawr jeer saraakiisha ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay sheegeen in Al- Shabaab ay ka saari doonaan deegaanada Ruun- nirgood iyo masgawaay ee Shabeellaha Dhexe.

Janaral Cali Caraye Cosoble Gacmadulle ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin in taago ka mid ah Shabeellaha Dhexe ay ku sugnadaan kooxda Al- Shabaab.

Deegaano badan oo Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ayaa Al-Shabaab laga saaray inta aan ka aheyn degaanka Runirgood oo hadda ay kaabiga ku hayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka degaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.