Qaraxyo ka dhacay degmada Mahadaay ee Sh. Dhexe.

Mahaday ( Raxanreeb )  Wararka ka imaanaya degmada Mahaday ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaaya in qarax uu  ka dhacay wadada u dhexeysa garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar .

Qaraxa ayaa ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ah waxa uuna qabsaday Gaari Cabdibile ah oo ka mid ahaa kolonyo raashin Gargaar ah u siday Degmada Mahadaay , halkaas oo ay ku sugan yihiin qoysas saameeyay dagaalada.

Dhismasho iyo dhaawac ayaa la soo shaeegaya in Qaraxaasi uu ka dhashay balse lama oga tirsada waxyeelada ee  ka dhashay qaraxaasi miino.

Weriye ku sugan Mahadaay ayaa RBC u sheegay in dadka dhaawacmay la dhigay isbitaal ku yaala magaalada halkaas oo dhaawacooda lagu dawaynayo.

Maamulka degmada Mahadaay wax faahfaahin ah ma uusan ka bixin qaraxa ka dhacay degmada Mahaday ee Shabeellaha dhexe oo marar badan sidan oo kale qaraxyo ay ka dhaceen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.