Ciidanka Liyuu Boolis Maxay ka dooneyn gobolka Bakool ?

Xudur (Raxanreeb ) Ciidamo aad u fara badan oo ka socda Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maata gaaray xadka gobolka bakaal uu kala wadaago dalka Itoobiya.

Waxaa lagu soo waraamayaa in markii ay gaareen xuduuda durbadiiba ay bilaabeen in howlgalo ay ka fuliyeen xuduuda labada dal sida ay xaqiijiyaan dadka deegaanka.

Saraakiisha ciidamada liyuu Boolis ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay sidii looga hortegi lahaa weeraro ay Al-Shabaab kusoo qaadaan dhulka dowlad degaanka Soomaalida.

Kooxda Al- Shabaab oo culays laga soo saaray deegaano badan oo dalka ah ayaa la sheegay in laga cabsi qabo in ay gudaha u galaan deegaanno ka mid ah Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Xubno ka mid ah saraakiisha ciidanka Liyuu Boolis ayaa sheeegay in ay adkeeyeen amniga xaduudka u dhaxeeya dowlad degaanka Soomaalida iyo dhinaca Gobolka Bakool, isla markaana ay ka fulin doonaan howlgal amniga ay ku sugayaan.

Maamulka gobolka Bakool oo RBC ay la xiriirtay sida arintan aan wax uga waydiino ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo ciidankan Liyuu boolis ee ka socda Dowlad deegaanka Soomaalida.

Al- Shabaab ayaa kol hore waxa ay weerar ku qaadeen deegaanno ka mid ah Dowladda deegaanka Soomaalida halkaas oo ay ku jabaan xilligaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.