Ciidanka Tigrayga oo bililiqeystay shidaal ay lahaayeen hay’adda WFP

Ciidanka Tigrayga oo bililiqeystay shidaal ay lahaayeen hay’adda WFP

Adis-Ababa (Raxanreeb ) Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in kooxda Tigray oo dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Itoobiya in bililiqo xoog badan ay u gaysteen xarun hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada ee WFP.


Kooxda Tigreeyga ayay Hay’adda Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay in xarunta WFP laga qaatay 570,000 oo liitir oo shidaal ah oo ay lahayd Hay’adda WFP.

Kooxda Tigrayga ayaa la sheegay in gudaha ay u galeen xarunta oo ku taalla magaalada Mekelle ee dalka Itoobiya.

Madaxa hay’adda WFP David Beasley ayaa sheegay in si xoog ah ay ku soo galeen gudaha xarunta isla markaana kooxdu ay qaadatay shidaalka ay lahayd Hay’adda.

“Tani waa ceeb iyo fadeexo. Waxaan dalbanaynaa in shidaalkan hadda la soo celiyo” ayuu yiri David Beasley, madaxa hay’adda WFP.

Afhayeen u hadlay Hay’adda cunada Aduunka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in shaqaalaha Hay’adda la qalqalgaliyay oo cabsi xoog badan lagu abuuray.

“Bakhaarka Hay’adda Cunnada Adduunka ee Mekelle waxaa xoog ku galay ciidamada Tigrayga, kuwaas oo qaatay 12 booyadood oo buuxa oo shidaal ah oo ay saaran yihiin 570,000 litir oo shidaal ” ayuu yiri Afhayeenka u hadlay Hay’adda WFP.

Shidaalkan ayaa loogu tala galay in ay isticmaalaan gawaarida gargaarka bini’aadaminimo gaarsiisa dadka gobolka Tigrayga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.