Ciro ” Muddo kordhin kama soconayso Somaliland ”

Hargaysa (Raxanreeb ) Murrashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa xaaraan ku tilmaamay muddo kordhinta baarlamaanka Somaliland u sameeyay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo laba sano ah ugu kordhiyay muddo xileedka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halka muddo shan sano ah ku kororsatay muddo xileedkooda.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo laba sano ah ugu kordhiyay muddo xileedka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Dhawaan guddi doorashada Somaliland ayaa sheegay inaysan doorashada Somaliland ku dhici karin xilligii loo tala galay inay ku qabsoonto oo ku aaddan bisha December 2022.

Xisbiyada mucaaradka weli kama hadlin kororsiga muddo xileedka hay’adaha dowladda.

Dhowr jeer oo hore ayay mucaaradku diideen muddo kororsi, iyaga oo ku baaqay in doorashada guurtida iyomadaxweynaha isku mar wakhtigooda lagu qabto, waxaana dibadbaxyo looga soo horjeedo dib u dhaca doorashada ay ku qabteen magaalooyinka kala duwan ee Somalilland

Leave a Reply

Your email address will not be published.