Siyaasadda Koonfur Galbeed oo -Karkaraysa & Musharraxiin hadlay

Baydhabo (Raxanreeb ) Madaxwaynaha maamulka koonfur Galbeed oo ka mid ahaa taageerayaashii Madaxwaynihii loogu awood roonaaday doorashadii dalka ka dhacday ayaa hadda wajahaya culayso siyaasadeed oo kaga imaanaya siyaasiinta ka soo jeeda deegaanada koonfur Galbeed.

War si wadajir ah u soo saareen Gole ay ku midaysan yihiin musharraxiinta u hanqal taagaysa Hoggaanka koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay Dowladda in isha ay ku hayso waqtiga doorashada koonfur Galbeed oo astaysan 19 December 2022.

Waxa ay sheegeen in doorashada Cabdicasiis Laftagareen ay ka harsan tahay wax ka yara 76 maalin sidaas darteeda ay u diyaarsan yihiin ka qayb galka hardaganka doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Qoraalka musharraxiinta ayay ku sheegeen in dhib kasta oo ka dhasha , dib u dhaca doorashada masuuliyadeeda uu qaadi doono Madaxwaynaha waqtiga uu ka sii dhamaanayo ee konfur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen.

Madaxwaynaha Koonfur Galbeed ayaa marar badan loogu baaqay in doorashada maamulkaas uu ku qabto waqtigeeda isla markaana la ogolaan doonin muddo kororsi oo baal marsan dastuurka iyo Heshiiska uu ku dhisan yahay maamulka.

HOOS KA AQRISO WARSAXAFADEEDKA.

Leave a Reply

Your email address will not be published.