Daacish oo xirtay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Daacish oo xirtay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb ) Ganacsiga suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa meelo ka mid ah maanta oo Arbaca ah shaqayn ka dib go’aan ay soo saareen  kooxda ISIS.

Ganacstada qaar ayaa sheegay in meelaha qaar uusan shaqayn ganacsiga sabab la xiriirta cabsi ay ka qabaan kooxda Daacish.

RBC oo la xiriiray qaar ka mid ah ganacstada ayaa ogaaday in Ganacsatada qaar ay xireen goobahooda ganacsi cabsi ay qabaan darteeda.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka oo ogaaday  cabsida ganacsatada ayaa ku baxay , isla  si howlgal halkaas ay ugu fuliyeen.

Ganacsatada suuqa bakaaraha ayaa  sidan oo kale mar xiray goobahooda gancsiga ka dib go’aan ka soo baxay kooxaha dagaalamayaasha Daacish.

Dowladda oo xiligaas ka duulayso amniga ayaa iyadana go’aan kale dul dhigtay ganacsatada   go’aankaas labadaa dhinacna saamayn ayuu markii dambe ku yeeshay ganacsiga suuqa Bakaaraha.

Lama oga halka  xaalku u uku danbeyn doono iyo waxa uu noqon doono go’aanka Dowladda iyo saraakiisha ku baxay xaalada suuqa Bakaaraha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.