Wasiirada maamul – goboleedyada dalka ayaa sheegay in gabi ahaanba ay joojiyeen xiriirkii ay la hayeen Wasaaradda maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Maamulka Puntland oo ka mid ah maamulada uu aadka u xun yahay xiriirka Dowladda Federaalka ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay tan iyo khilaafkan ka hadashay mowqifkeeda.
Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland, Xasan Shire Abgaal aya go’aanka xiriirka ay ugu jireen Dowladda Federaalka waxa uu ku micneeyay mid ku yimid nidaam xumida Dowladda.
‘’Wasaarada maaliyada waxa ay qaatay go’aan aan cidna kala tashan si gaar ah Wasaaradaha maaliyadda Dolwad- goboleedyada ‘’ Xasan Shire Abgaal.
Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland, Xasan Shire Abgaal ayaaa tilmaamay in Wasiirka cusub ee Wasaarada Maaliyada uu si bareer u baal maray dhammaan heshiiyadii horay u dhex maray wasaaradaasi iyo Maamul goboleedyada.
Sidoo kale Wasiirka maaliyada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Wasiirka cusub ee Dowladda Federaalka uu qaaday , talaabo keeni karta in la kala fogaato oo ay lunto wada- shaqaynta.
Khilaafka ka dhex jira dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ayaa ku soo aadeya xilli horey u jiray mad-madow soo kala dhex-galay labada dhinac, kaas oo ka dhashay dhismaha dowladda cusub.
Leave a Reply