DABAGAL : Balan ka baxa Kenya & Dulqaadka Soomaaliya.

Muqdisho ( Raxanreen ) Waxaa muuqanaysa in dowladda Kenya ay ka baxday heshiisyo dhawr ah oo ay la gaartay Soomaaliya taas oo dhanka kale saameyn muuqata ku yeelatay muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Heshiis bishii 9-aad 2022 ka labada dal ay ku kala saxiixdeen ayaa qeexayay in la fudeydiyo isku socodka iyo ganacsiga labada dal, laakiin taas waxa ay noqotay mid aan fulin oo waxaa muuqata in muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu adkeeyo VISAHA.

Heshiiskaas marka uu dhacay Kenya ayaa bilowday in Khaadka si toos ah ugu soo dhoofiso Soomaaliya , taas oo ay ka faa’ iday balaayiin doolar laakiin Soomaaliya  waxba kama faa’ idin heshiiskaas , marka laga reebo in muwaadiniinta lagu dhibo Garoomada ama ay waayaan dalka ku – galka.

Intii uu xukunka joogay Madaxwaynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa xumaa xiriirka labada dal xitaa , waxa ay dowladaas joojisay Khaad , sabab la xiriirta faragalinta Kenya ee Soomaaliya waxaana jiray sharuudo Kenya aan fulin oo keentay inuu xumaado xiriirka labada dal balse shan sanno ka dib waxaa dib u soo celiyay Dowladda Federaalka ee uu Hoggaamiyo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Soomaaliya dhankeeda marar badan ayaa cabatay dhibaatada isku socodka labada dal hadana heshiis kasta oo laga gaara waxa ay noqdaan kuwa aan ka fulin xaga Kenya oo tusaale loo soo qaadan karo kii sanadkan 2022 ka dhacay Kenya oo xaqeeyay  Kenya ay fududeyn doonto  dal ku galka dhankeedana loo fasaxo dhoofinta Khaadka oo ku xiran nolosha kumanaan Kenyan ah .

Dhibaatada ay ka cabanayaan Soomaalida ayaa si aad ah waxa ay isoo ifbaxday todobaadyadii la soo dhaafay oo aad u yaraa in dadka ay helaan VISAHA , waxa ayna ku warameen in Kenya marnaba aysan fulin heshiisyada lala galo.

Safaaradda Soomaalida ee Kenya oo arintan ka warhayso wax go’ aan ah kama aysan soo saarin ,  isla markaana ma muuqato in meesha ay ka baxdo caqabada soo jireenka noqday ee Kenya ay kaga baxayso heshiisyada ay la gaarto Soomaaliya.

Ganacsatada Soomaalida ee ka shaqaysta xarumaha lagu iibiyo tigidhada diyaaradaha, gaar ahaana kuwa Nairobi iyo Muqdisho ayaa ka walaacsan saamayn xooggan oo uu ganacsigooda ku yeeshay hakad ku yimid dal kugalka Kenya.

Madaxwayne Xasan Sheekh markii la doortay ayaa magaalada Nairobi waxa uu kulan kulan kula qaatay Uhuru Kenya oo xafiiska sii banaynay markaas oo si wadajri ah u gareen Warmurtiyeed lagu qeexay in dib loo billaabo duulimaadka shirkadda Kenya Airways ee Muqdisho sida ugu dhaqsiyaha badan, si waafqsan Heshiiska Adeegga Hawada ee Labada Dal ee loo yaqaan BASA, kaasi oo dib u eegis lagu sameyn doono iyo in Kenya ay fududeyso VISAHA dal ku gal iyo in Khaadka loo soo dhoofiyo Soomaaliya.

Waxa keliya ka dhaqan galay ayaa la sheegaa in ay tahay qodobka ah in Kenya Khaadka u soo dhoofiso Soomaaliya isla markaana aysan jirin cid kale oo daba- gasha dhaqan galka Heshiiska oo ka socoto dhanka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.