Dowladda oo sheegtay in 49 xubnood oo ka tirsan Al- Shabaab lagu dilay duqeyn xagga cirka ah.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Dowladda Federqqlka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca ah sheegtay in 49 xubnood oo ka tirsan tirsan  Al-Shabaab ay ku dileen howlgal iyo duqeymo qorshaysan oo ay ku qaaday saldhigyo ay ku sugnayeen Al- Shabaab.

Warsaxafadeed ka soo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in sidoo kale duqeyntaas oo ka dhacday deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose dhaawacyo lagu gaarsiiyay Al- Shabaab

Howlgalkan ayay Dowladdu xustay in si -wadajir ah ay u fuliyeen Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.