Muqdisho (Raxanreeb ) Saacado badan waxaa lagu guulaystay in la damiyo , dab xoogan oo ka kacay suuqa ugu way nee xamarwayne halkaas oo ay ku baa’baday hanti aad u fara badan isla markaana ay ku cayrtoobeen ganacsato badan .
Maamulka gobolka Banaadir iyo Shacabka oo is kaashanaya ayaa ku guuleystay deminta dab xooggan oo xalay qabsaday qeybo kamid ah suuqa Xamarweyne.
Dabka ayaa markii hore ka kacay suuqa qeybta Masjidka Marwaaz, waxaa uuna ku fiday qeybaha Suuqa Dahablaha, kawaanka Hilibka iyo meelo kale.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo dadkii ka qeyb qaatay daminta dabkaas.
Dabkii xalay oo khasaare xooggan dhaliyay ayaanu wali maamulka sheegin cadadka hantida ku baa’baday, iyadoo qaar kamid ganacsatada Suuqa ay sheegeen in hanti wixii halkaas u yiilay dabku la tagay.
Ganacsatada suuqa Xamarwayne ee magaalada Muqdisho ayaa hadda dalbanaya in lala soo – gaaro gurmad deg deg ah maadama ay ku hanti beelaan dabkaas ka kacay suuqa Xamarwayne.
Marar badan ayaa sidan oo kale waxa dhibaatooyin kala duwan uu dab ka soo gaaray ganacsatada ku nool caasimadda dalka ee Muqdisho.
Leave a Reply