Garoowe (Raxanreeb ) Taliska ciidanka DANAB ayaa ka hadlay markii ugu horeysay hadal ka yeeray Madaxwaynaha waqtiga uu ka sii dhamaanayo ee Puntland Saciid Cabdullaahi DENI.
Madaxwaynaha Puntland oo sheegay inuu cafis u fidiyay saraakiishii ka qayb qaatay dagaaladii ay riixayeen mucaaraadka ayaa hadalkaas durbadiiba waxaa ka falceliyay Taliska ciidanka DANAB ee ka howlgala Puntland.
Waxa uu sheegay Talisku in – hadalkaas ay u arkaan mid daboolaya oo qarinaya hubinta la’aanta Saciid Deni uu galiyay doorashada deegaanada maamulkaas ay ka dhici lahayd.
Waxa ay ku eedeyeen Saciid Deni in isaga uu masuul ka yahay dhibaatada la xiriirta dagaalada ka dhacay Puntland oo dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Taliska ciidanka Danab ayaa sidoo kale madaxweynaha ugu baaqay inuu cafis waydiisto ciidamada oo ay sheegeen inuu u gefay iyo shacabka Puntland.
Saraakiisha ciidanka DANAB ayaa sheegaya in ay u raaci doonaan wixii haddda ka danbeeya oo ay raaci doonaan go’aankii ay gaareen isimada dhaqanka oo ahaa in doorashada lagu qabto xilligeeda, sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in aysan aqbali doonon muddo kororsi
Leave a Reply