Dad ku dhintay daadad kusoo rogmaday Gedo.

Dad ku dhintay daadad kusoo rogmaday Gedo.

Baardheere (Raxanreeb ) Deegaano ka mid ah gobolada dalka , gaar ahaan koofurta waxaa ka da’ay roobab xoogaan oo sababay in  dhimasho , dhaawac , Barakaca iyo in ay kala go’aan deegaanada goboladaas.

Gobolka Gedo  gaar ahaan degmooyinka  , Luuq , Baardheere , iyo Ceelwaaq ayaa ka mid ah meelaha ay ka taagan yihiin dhibaatooyinka uu sababay roobka ka da’ay gobolada dalka.

Wararka laga  helayo Degmada Ceelwaaq  ayaa ku waramaya in laba dumar ah ay ku dhinteen daad ka dhashay roob saacado badan ka da’ayay  degmadaas isla markaana  horseeday in xaafadaha la isku gudbi waayo.

Meelaha kale ee dhibaatada fataahadaha ay ka taagan yihiin waxaa ka mid ah  Luuq halkaa soo ay aad u adag tahay in gadiidka sahayda ah uu gaaro , waxaana roobku uu kala jaray  deegaano muhim ah oo  gobolkaas ka mid ah.

Fatahaad la mid ah midii 1997-dii ku dhuftay Baardheere ee kala goyay degmada ayaa ka jirta sanadkan degmadaas , waxaana magaaladu ay noqotay laba dhinac oo ay adag tahay in dadku ay isku gudbaan .

Waxaa aad u adag in adeegyada qaar laga helo degmada Baardheere waxaana fataahadan saamayn ay ku yeelatay adeegyada muhiim ah ee degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Daadad uu roobku sababay ayaa geystay khasaare nafeed iyo mid maalba, waxaa dumay guryihii, waddooyinka ayaa go’ay.

Dadka ay guryaha ku dumeen ayaa ku qaxay meelo magaalada uun ka mid ah oo aanay daadadku aad u saameynin

Maamulka degamada ayaa sheegay in Roobab xooggan oo da’ayay saacadihii lasoo dhaafay ay biyo dhigeen qaar kamid ah xaafadaha magaalada, haddana ay wadaan gurmad lagu samatabixinayo dadkii waxyeeladu kasoo gaartay Roobabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.