Dowladda & musuq maasuq : Saraakiil la xiray kuwo lagu daba jiro

Dowladda & musuq maasuq : Saraakiil la xiray kuwo lagu daba jiro

Muqdisho ( Raxanreeb )  Dowladda Federraalka Soomaaliya ayaa shaacisay in  gacanta ay ku hayso saraakiil ku lug leh musuq maasuq kaas oo ka dhacay garoonka.

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo war ka soo saaray xariga saraakiishan ayaa sheegay in xubnahan ay wajihi doonaan cadaaladda isla markaana ay ku raad joogaan xubno kale.

Wax-isdabamarin ka dhex wado Xafiisyada Maaliyadda iyo lacag-qabashada guud ee adeegyada dadweynaha ka bixiya garoonka.

Shabakaddan ayaa sidoo kale ku eedeysan in ay ka been-abuuratay Buugta iyo Xaashiyaha lacag-qabashada guud ee dowladda ayna Lunsatay dakhli dowladdu leedahay oo ka yimaada Fasaxyada Shaqada (Work permit)

Warsaxaafadeed ka soo baxay Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa ayaa lagu sheegay in Xafiiska xeer-illaaliyaha guud ee Qaranka uu Kiiskan la wareegay, iyada oo lagu soo sheegay in uu Xafiiska diyaarinaya  dacwad oogista eedeysanayaasha iyada oo xubnaha hadda kujira gacanta dowladda iyo kuwo ku lugta lehba ay Wajihi doonaan Caddaaladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.