Garoowe (Raxanreeb ) Madaxwaynaha maamulka Puntland oo olole doorasho ka wada deegaano badan oo gobolka Nugaal ah ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad doonaya in ay caraqaladeeyaan doorashada deegaanada maamulkaas.
Madaxwaynaha Puntland ayaa xusay in habka doorashooyinka qofka iyo codka ah ee Puntland ay noqoneyso xukuumaddii ugu horreysay ee billaawda, balse ay jiraan dad waxmagarato ah oo isku dayaya inay dadka marin habaabiyaan.
Waxa uu sheegay Deni in marnaba la hor istaagi karin doorashooyinka si kasto oo la isugu dayo in loo caraqaladeeyo horumarka ay ku talaabsanayaan dadka deegaanada mamulka Puntland ku nool
Waxa jira ayuu yiri Saciid Deni dad doonaya in Ookiyaale Madoobe ay u galiyaan shacabka hase ahaatee indhaha dadka ay furan yihiin oo aan la qaldi karin si kastoo loo sameeyo isku dayo.
Waa uu sii hadlay Madaxwaynaha maamulka Puntlan waxa uu sheegay in go’aanka ugu dambeeya uu ku jiro gacanta dadweynaha maamulka Puntland oo diyaar u ah ka shaqaynta horumarkooda.
Saciid Deni ayaa xusay in si kastoo loo hadlo aysan marti u hayn oo Puntland ay sii wadanayso , doorashadeeda iyi danaheeda taasna uu u yahay wax keliya ay heegsanayaan.
Dhawaan Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa dhaliiley doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland ee loo madlan yahay 25-May 2023-ka
Madaxweynaha ayaa sheegey in aan laysku raacsanayn doorashooyinka xilligan ka dhacaya dalka.
Leave a Reply