Kismaayo (Raxanreeb ) Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa la sheegaa inuu wali uusan u dhaqaaqin howlgalada lagu doonayo in Al- Shabaab looga saaro deegaanada maamulkaas.
Jubbaland waa halka ugu badan ee ay ku sugan yihiin xubnaha Al- Shabaab ee isaga cararay koonfurta Soomaaliya oo ay ka socdaan howlgalada lagu doonayo in lagu – jabiyo kooxda Al- Shabaab.
Madaxda maamulka Jubbaland ayaa ku celceliya in ay qaadi doonaan howlgalada ay isaga dulqaadayaan Al- Shabaab , hase ahaatee hadalkaas ayaa la sheegaa inuu dhaafin afka baarkii.
Ciidamada in la booqdo ayay madaxda maamulka Jubbaland ee uu ugu horeeyo Axmed Madoobe u ah shaqada kowaad ee maamulka aan dhaafin Kismaayo iyagoo u sheega in ay qaadi doonaan howlgalada Al- Shabaab ka dhanka ah.
Kooxda Al- Shabaab ayaa weeraro joogta ah ku soo qaada duleedka magaalada Kismaayo , halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidanka maamulkaas ee uu u diyaariyay in Al- Shabaab ay la dagaalamaan.
Jubbaland ma dhaafin sanadihii ay jirtay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo ah saldhiga ugu way nee maamulka uu ku shaqeeyo , taas bedelkeeda waxa ay ciidanka howlgal ka sameeyaan xaafadaha magaalada.
Warbaahinta waxay tabisaa keliya hadalka madaxda ah in ay qaadayaan howlgal oo ay diyaar yihiin , laakiinse booqashada ka dib ma jiraan wax dhaqaaq sida ay sheegayaan siyaasiinta ka soo jeeda deegaanada maamulka Jubbaland.
Si kastaba maamulka Jubbaland ayaa hadda farta lagu fiiqayaa maadama Jubbooyinka ay ku wali ku sugan yihiin oo ay ku xoogan yihiin Al- Shabaab kuwaas oo dagaal uu kaga furan yahay koonfurta dalka.
Leave a Reply