Dagaal ka dhacay Laascanood & Inta uu la eg yahay khasaaraha

Dagaal ka dhacay  Laascanood & Inta uu la eg yahay khasaaraha

Laascanood (Raxanreeb) Afar ka mid ah shaqaalaha Garoonka diyaaradaha magaalada Laascanood ayaa dhaawacyo daran ka soo gaaray , is rasaaseeyn koox hubaysan ku dhaxmartay saaka garoonka magaaladaas.

Dagaalka labada maleeshiyo ayaa salka ku hayay khilaaf ka dhashay diyaarad siday khaadka Miirowga oo ka timid magaalada Nairobi ee dalka Kenya sida RBC ay u sheegeen dadka degaanka.

Dadka waxyeeladu ay soo gaartay ayaa la dhigay isbitaalka – magaalada Laascanood kuwaas oo bahda caafimaadka ay sheegeen in qaarkood ay daran yihiin.

Dagaalka oo mudo saacad ku dhaw ka socday Garoonka magaalada Laacsanood ayaa la xaqiijiay in markii dambe ay soo dhax galeen laamaha amniga ee Somaliland.

Maamulka magaalada Laacsanood ee Somaliland ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan dhacdadan iyo waxa keenay waxa ayna digniin u jeediyeen shaqsiyaadka ka qayb qaata amni darada Somaliland.

Xaalada magaalada Laascanood ayaa degan , waxaana si caadi ah u shaqaynaya dhaq-dhaqaaqa ganacsiga waxaana sid la mid ah xaaladii caadiga ah ku soo laabtay adeega Garoonka maagaalada Laascanood.

Leave a Reply

Your email address will not be published.