Laascanood ( Raxanreeb ) Ciidamada Deegaanka ee SSC ayaa la wareegay gadiid dagaal iyo fariisin ciidamada Militeriga Somaliland kulahaayeen Jihooyinka bariga iyo galbeedka ee Magaalada Laascaanood.
Sida ay sheegayaan dadka deegaanka iska hor imaadyo ayaa ka dhacay maalmihii la soo dhaafay Gooja Cadde , halkaas oo ah ubudcda dagaalka labada dhinac ee SSC iyo Somaliland.
Ciidamada maamulka SSC ayaa gaarey wadada laamiga ah, waxaana ay gacanta ku dhgeen bartii kontroolka ay fadhiyeen, dhufeysayadii iyo xeradii laga ilaalin jirey taliska Goojacadde.
SSC-khaatumo ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay weerar xooggan ku soo qaaday magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
War-saxaafadeed ka soo baxay SSC ayaa lagu sheegay in dagaalka oo weli socda lagaga qabsaday Somaliland gaadiid dagaal iyo maxaabiis balse lama faahfaahin tiradooda.
Si kastaba wadada laamiga ah ayaa hadda isu furan, waxaana adag in Somaliland ay difaacato taliskooda Goojacadde
Warkan oo fahfaahan gadaal ayaa laga daabacayaa
Ciidanka Somaliland oo horay looga saaray gudaha magaalada Laascaanood ayaa hadda qarka u saaran iney lumiyaan deegaanka Goojacadde oo hadda la isla gaaray.
Leave a Reply