TiTok , Telegram & 1XBET miyay dalka ka shaqaynayaan ?

TiTok , Telegram & 1XBET miyay dalka ka shaqaynayaan ?

Muqdisho ( Raxanreeb ) Maanta ayay ahayd in si rasmi ah u dhaqangalo in dalka uga dhaqan galo go’ aan Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ay ku hakisay adeega Tiktok , Telegram iyo qamaarka 1XBET.

Dhamaan adeegyada ayaa si shaqaynaya , taas oo muujinaysa in aanu dhaqan gal noqon go’ aanka Dowladda ay ku joojinaysa App- babkan oo aad loo adeegsado.

Lama sababta uu u dhaqan geli waayey go’aanka Wasaaradda oo markii hore sheegtay iney arrintaas kala shirtay shirkadaha bixiya adeega Internetka.

Dadka intiisa badan ayaa aaminsan in Wasiirku uu talaabadan ku fududaaday, ayna adag tahay inuu keligiis qaato, dhaqana geliyo go’aan sidaas u weyn oo bulshada taabanaya.

Shirkadaha isgaarsiinta ayaa weli ka caga jiidaya iney dhaqan geliyaan go’aanka Wasaaradda, iyadoo dadka isticmaala aaladahan ay weli sheegayaan iney shaqeynayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.