Dagaal ka dhacay Mudug& faahfaahinta khasaaraha

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Wararka naga soo gaaraya  deegaanka Qaycad ee koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas dagaal xooggaan uu ka dhacay maanta oo Talaada ah.

Dagaalkan ayaa ah mid u dhaxeeya ciidanka maamulka Galmudug iyo kooxda Al- Shabaab ka dib weerar  ciidanka daraawiishta Galmudug ay ku qaadeen  – fariisin kooxda Al- Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Qaycad ee gobolka Mudug.

Waxaa lagu soo waramayaa in labada dhinac uu jiro khasaare soo kala gaaray inkastoo si rasmi ah loo sheegin tirada dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalkaas ka dhacay deegaano ka mid ah gobolka Mudug.

Saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay ka adkaadeen sida ay warka u dhigeen kooxda Al- Shabaab ee weerarka ay ku qaadeen maanta , halkaas oo ay ka socdeen howlgal ka dhan ah kooxda.

Saraakiisha ayaa ku waramay in deegaanka lagu dagaalamay ee Qaycad ay hadda ku sugan ciidanka Daraawiishta maamulka Galmdug ,  isla markaana ay sugi doonaan amniga deegaankaas.

Si kasta ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa deegaano ka mid ah gobolada Mudug iyo Galgaduud ka wada howlgal ka dhan ah kooxda Al- Shabaab. Ciidanka ayaa hore ula wareegay deegaano badan oo sanado ay maamulayeen Al- Shabaab , oo ka mid ah gobolada Mudug iyo Galgaduud

Leave a Reply

Your email address will not be published.