‘’Haddii koox Dowlad noqon karto Nabad & Nolol ayaa joogi lahayd ‘’

‘’Haddii koox Dowlad noqon karto Nabad & Nolol ayaa joogi lahayd ‘’

Muqdisho ( Raxanreeb ) Hadal duur xul ah oo dhaliyay hadal badan ayaa Taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda Nabad sugidda Qaranka Abdalla Abdalla  maanta uu ku qoray bartiisa Facebook.

Taliye ku xigeenkii hore oo u muuqda inuu ka goys adeegayo in siyaasiin gaar ah ay isku soo koobeen xilalka ayaa sheegay in dalka looga baahan yahay Dowladnimo la wada leeyahay.

Waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed keliya ay deeqi karto Dowladnimo loo siman yahay , taasna ay tahay mid wax kasta oo la wada leeyahay lagu gaari karo.

“Dowladnimo la wada leeyahay kaliya ayaa Somalia Deeqda,  koox Haday dowlad noqon karto Nabad iyo  nolol ayaa noo joogi lahayd ‘’ ayuu ku yiri qoraalkiis Abdalla Abdalla.

Maalmahan waxaa soo baxayay dhaliilo loo jeedinayo hanaanka magacaabista xubnaha ka mid  noqonaya Dowladda Federaalka ee uu hoggaanayo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Inta badan xubnaha la magacaabay ayaa lagu tilmaamay in keliya ay yihiin kuwo dagaalka siyaasadeed la soo galay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud , isla markaana la baarmaray habka awood qaybsiga ee ay ku dhisan tahay Dowladnimada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.