RW Xamsa “ Amniga caasimadda waa in xoogga la saaraa  ‘’-AMAR

RW Xamsa “ Amniga caasimadda waa in xoogga la saaraa  ‘’-AMAR

Muqdisho (Raxanreeb ) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Amniga oo looga hadlay dar-dargelinta sugida Amniga guud ee dalka, ciribtirka Khawaarijta , shuruucda horutebinta u leh amniga iyo qaadista cunaqabteynta hubka ee  saaran Soomaaliya.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlgallada socda ee lagu xasillinayo amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah iyo qorshaha qaran ee ka hortaga fikirka xagjirka ah oo ahmiyad gaar ah u leh dalka, si loo helo bulsho amni iyo nabad ku wada nool.

Shirka ayaa  lagu ansixiyay magaca iyo waajibaadka Xarunta Qaran ee la dagaallanka Fikirka Xagjirka ah ee WAANO, taas oo hoos tageysa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS.

Ra’iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay ahmiyadda koowaad siineyso xasillinta iyo xoreynta dalka, si bulshada Soomaaliyeed looga dulqaado culeyska Khawaarijtu ay ku hayaan, dalkuna u gaaro horumar iyo caddaalad, iyada oo la diyaarinayo shuruucdii hageysay  amniga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.