Dagaalka Ukraine & sida uu sameeyay qiimaha  raashiinka Soomaaliya.

Muqdisho (Raxanreeb ) Qiimaha raashiinka suuqyada magaalada Muqdisho  ayaa sare u kacay sida ay sheegeen qaar ka mid ah ganacsatada ku sugan  magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Isbedelka qiimaha raashiinka ayaa sabab looga dhigay  dagaalka wali ka socda dalka Ukrian  oo meelo badan oo Caalamka ah uu ku – keenay saaamayn aan wanaagsanayn.

Qiimaha Baastada & Burka ayaa   ah kuwa ugu daran ee qiimaha ahaan kordhay halka noocyada kale ee raashiinka , Ganacsatadu ay sheegeen in qiimihii hore   wax ay ku darsameen.

Dagaalka Ukrain ayaa sidoo kale ganacstadii maanta la kulanay ay sheegeen in raad  uu ku leeyahay in qiimahii hore ee  la iibin jiray raashiinta quudul-daruuriga ay wax badan  iska bedelaan

Arintan ayaa saamayn waxa ay  ku yeelatay bulshada Soomaaliyeed , gaar ahaan kuwa taagta daran ee la daala-dhacay  nolol maalmeedkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.