Khasaaraha rasmiga ah ee dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan.

Beledwayne (Raxanreeb ) Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweynee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in deegannada Baareey iyo Dhoqor oo hoostaga magaalada ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo ururka alshabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weerar ku qaadeen deegaanno dhaca jinka webiga, islamarkaana hoostaga Beledweyne.

Waxaa la soo warinayaa in ay jiraan khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka, mana cadda tirada rasmiga ah ee khasaaraha.

Ciidamada dowladda, maamulka gobalka Hiiraan ayaanan weli ka hadli dagaalka ka socda gobalka gaar ahaan deegaannada Baareey iyo Dhoqor.

Hiiraan ayaa xudun u noqotay kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana tan iyo markii uu billowday kooxda looga qabsaday deegaanno dhowr agh oo ka tirsan gobolkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.