Dalal Yurub ah oo xaalad koronto la’aan ah waajahaya

Dalal Yurub ah oo xaalad koronto la’aan ah waajahaya

( Raxanreeb Online) Dalka Spain ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah, xilli dhanka kalena ay xoojinayaan roondada bilayska iyada oo la dirayo soddon kun oo askari oo dheeri ah, xilli ay la tacaalayaan koronto la’aan, taasoo sidoo kale saamaysay dalka ay dariska yihiin ee Portugal.

Malaayiin qof ayaa isticmaalayay shumacyo iyo nalal dabka keydiya si ay ilays ugu shitaan guryahooda. Khudbad laga sii daayay taleefishinka ayuu ra’iisul wasaaraha Spain Pedro Sanchez ku sheegay in kala badh awooddii korontada Spain hadda dib loo soo celiyay, laba iyo toban saacadood kaddib markii ay korontadu ka tagtay.

Khubarada farsamada ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in xidhiidhiyaha korantada ee u dhexeeya France iyo Spain uu ahaa halkii fashilku ka yimi. Laakiin Ra’iisul wasaaraha Spain Pedro Sanches wuxuu sheegay in aysan jirin sabab macquul ah oo loo aaneeyn karo waxii dhacay.

Magaalada caasimadda ah ee Madrid, dadku waxay ku farxeen oo u sacab tumeen markii nalalka dhismayaasha ay dib u shidmeen.

Safafyada loogu jiro mashiinnada lacagta laga qaato ayaa waxaa saameyn ku yeeshay Koronta la’aanta waxaana jira warar sheegaya in qaar ka mid ah kaalmaha shidaalka ay xidhmeen

Markii shaacu madoobaaday ee laydhku tegay Metro ee Madrid, rakaabka ayaa galay xaalad jahawareer iyo argagax ah. Mid ka mid ah dadka deegaanka, Sarah Jovovich, ayaa sharraxday dareenka jahawareerka ee dhulka hoostiisa markii nalalka ay tageen hal mar istaanka tareennada ee metro.

Go’idda korantada ayaa sidoo kale sababtay in tiro dad ah ay ku xayirmaan wiishashka dhismayaashii ay ku jireen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.