DARASAAD : Tirada qulqulka  muhaajiriinta Mareynkanka oo la shaaciyay

DARASAAD : Tirada qulqulka  muhaajiriinta Mareynkanka oo la shaaciyay

Washington (Raxanreeb )  Bilihii la soo dhaafay waxaa jiray qul qul xoogan oo la xiriira tahriibka , dadka doonaya in ay  – galaan dalka Mareynkanka , halkaas oo kumanaan muhaajiriin ah beegsaday.

Tiradii ugu badnaa oo muhaajiriin ah ayaa galay magaalooyinka Mareynkanka kuwaas oo ka kala  tagay dalalka badan oo Caalamka oo ay Soomaaliya ku jirto

Hadaba waxaa soo  baxday Daraasad lagu sameeyay Tahriibayaasha daneynaya in ay gaaraan Mareykanka ee safarka dheer u galay in ay isaga kala gudbaan Koofurta illaa Waqooyiga Ameerika taas oo  muujineysa in saddexda bil ee ugu horreeya 2023 ee kala ah Janaayo, Febaraayo & Maarso in Xadka ay wadaagaan Panama & Colombia ay ka gudbeen 87,390 (Siddeetan & todobo kun, saddex boqol, iyo sagaashan ruux) oo dalal kala duwan u dhashay.

Keymaha khatarta badan ee Darién jungle ayay dadkaan isaga kala gudbeen iyaga oo wajahaya xaalado adag oo dhanka nolosha ah sida waqti dheer oo ay ku dhex socdeen keymahaas halista badan sida lagu sheegay daraadda lasoo bandhigay.

Maamulka Madaxweyne Biden ayaa soo saaray hindise sharciyeed adkeynaya in muhaajiriintu ay sheegtaan inay magangalyo doon yihiin

Leave a Reply

Your email address will not be published.