Dib miyay u bilaabanayaan xilligan wada- hadaladii Soomaaliya & Somalind ?  

Muuse-Biixi-Cabdi

Muqdisho (Raxanreeb ) Somaliland ayaa si iskeed ah madaxbannaani ugu dhawaaqday markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ku dhawaad 30 sano ka hor.

Tan iyo xilligaas waxay masuuliyiinta raadinayeen aqoonsi caalami ah, balse Dowladda Federaalka ayaa u aqoonsan inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.

Fikrika ah in ay wada hadlaan Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland wuxuu markii ugu horeysey ka soo billowday shirkii caalamiga ah ee Soomaaliya loogu qabtay magaalada London, sannadkii 2012-kii.

Mid ka mid ah qodobadii shirkaasi ka soo baxay waxa uu dhigayay in “beesha caalamka ay taageerto ahmiyadda ay leedahay in wadahadalo ay dhexmaraan” Somaliland iyo Dowladd Federaalka ee Soomaaliya.

Dhawr bilood ka dib shirkaasi waxaa isla magaalada London ka qabsoomey shirkii ugu horeeyey ee fool ka fool ay isu soo horfadhiistaan labada dhinac, wuxuuna shirkaasi dhacay 20-kii bishii June, 2012-kii.

Wada- hadalka labada dhinac ayaa ahaa kuwo wajiyo badnaa oo ay ka soo baxayeen qodobo muhiim u ahaa geedi socodka wada- hadalada  Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

Si loo dardargeliyo dadaallada wadahadallada. Somaliland ayaa madaxwaynaha Soomaaliya magacabay ergayga wada- hadalka Somaliland oo noqonaya Cabdikariin Xuseen Guuleed.

“Cabdikariim Xuseen guuleed ayaa khibrad wanaagsan u leh arrimaha dib u heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo marxaladihii kala duwanaa oo ay soo mareen wadahadallada Dowlad Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri dikreetada ka soo baxday Villa Somalila.

Leave a Reply

Your email address will not be published.