DEG-DEG: Dagaal Beeleedyo ka Dhacay Deegaanno Ku Dhow Lughaye

DEG-DEG: Dagaal Beeleedyo ka Dhacay Deegaanno Ku Dhow Lughaye

Lughaye (Raxanreeb Online): Dagaallo u dhexeeya maleeshiyaad beeleed ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno ku dhow degmada Lughaye ee gobolka Awdal, iyadoo xaaladdu ay dhalisay xiisad amni oo saameysay dadka deegaanka.

Wararka laga helayo gobolka ayaa sheegaya in xiisadda ay saameyn ku yeelatay isku-socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga ee deegaannada ku xeeran Lughaye, iyadoo sidoo kale la soo sheegayo cabsi iyo barakac ay sameeyeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Dhanka kale, ciidamada Somaliland ayaa sheegay inay hawlgallo amni ka sameeyeen gobollada Awdal iyo Salal, halkaas oo ay sheegeen inay ku qabteen hub iyo gaadiid dagaal oo ay lahaayeen dhinacyadii ku lugta lahaa colaadda.

Ciidamada ayaa sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo si sharci-darro ah u haysata hub ama isku dayda inay dib u huriso dagaallada beelaha.

Xaaladda deegaannada ku dhow Lughaye ayaa weli ah mid xasaasi ah, iyadoo loo baahan yahay dadaallo nabadeed iyo wadahadal ay ka qeybqaataan dhinacyada deegaanka si looga hortago in colaadda ay sii fido.

Leave a Reply

Your email address will not be published.