DEG-DEG : Ciidamo gadoodsan oo la wareegay sanaadiiqda doorashada Puntland

DEG-DEG : Ciidamo gadoodsan oo la wareegay sanaadiiqda doorashada Puntland

Garoowe (Raxanreeb ) Ciidankii diidanaa doorashooyinka Puntland ayaa gabi ahaanba waxa ay caawa ay la wareegay qalabkii iyo sanaadiiqdii loo waday Degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.

Wararka laga helayo Garoowe ayaa sheegaya in arintan ay ka dhalatay xiisad laguna howlan yahay sidoo xaalada loo dejin lahaa.

Inkastoo xili habeen ah ay tahay haddana wali wax war ah arinkan caawa ka dhacday Garoowe lagama bixin wax faahfaahin ah.

Maanta ayay ahayd markii  Ciidanka Booliska Puntland ay ku wargeliyeen dhammaan dadweynaha reer Puntland in la joojinayo isku socodka gaadiidka guud ahaan Gobollada Puntland inta lagu jiro Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee Puntland.

Arintan ayaa imaanaysa iyadoo ay soo baxayeen in wax xooga ah horumar laga gaaray khilaaf ka jiray qabsoomida doorashada Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.