MUQDISHO : Shirka maamul goboleedyada oo furmaya & DENI oo ergo loo diray

MUQDISHO : Shirka maamul goboleedyada oo furmaya & DENI oo ergo loo diray

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho , waxaa lagu wadaa inuu ka  furmo shirka madasha wada-tashiga Qaran ee Dowladda iyo maamul  goboleedyada.

Waxaa shirguddoomin doona shirka madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana ka qayb gali doona inta badan madaxda maamul goboleedyada , lamase oga go’aanka Puntland.

Shirkaan kii ka horreeyay oo ka qabsoomay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa looga hadlayaa waxyaabihii ka dhaqan galay shirarkii hore, amniga si gaar ah billaabida wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxwaynaha maamul- goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wali waxa uu  khilaaf kala dhaxeeyo Dowladda dhexe ,  lamana oga halka uu ku danbeyn doono.

Magaalada muqdisho waxaa hadda ku sugan Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, Galmudug, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, balse kaliya uu ka maqan yahay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-Shabeelle loo xil saaray qancinta Madaxweynaha Puntland, balse ay ku guuldareysteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.