MUUSE Biixi oo jaray Internet-ka si aan loo ogaan tacdiga Laascanood.

MUUSE Biixi oo jaray Internet-ka si aan loo ogaan tacdiga Laascanood.

Laascanood (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo magaalada Laascanood ee gobolka Sool ayaa sheegay in  ciidanka Somaliland ay amar ku bixyeen in la jaro isgaarsiinta magaalada.

Arintan ayaa loo sababeeyay ka diib markii ciidamo fara badan Somaliland ay u soo diray magaalada si ay ula wareegaan Laascanood oo dadku ay iska diidan yihiin in  xukuumadda Hargaysa.

Waxa la arkayaa ciidamo  ka tirsan Somaliland oo  gudaha u galay shirkadaha isgaarsiinta  isla markaana amraya in hawada laga saaro khadka Internet-ka iyo wicitaanada  Telefoonka.

Hadii Internet-ka laga jaro magaalada ayaa la sheegay in ay keeni karto in dadka aysan ogaan dhibaatada ciidanka Somaliland ay ka gaysanayaan magaalada oo hore ay ugu laayeen dad shacab ah.

Ammar ka soo baxay  Muuse Biixi ayaa la sheegay in lagu jaray adeeggii internetka ee ka shaqeenayay Laascaanood, si loo qariyo tacadiyada ciidanka ay gaysanayaan.

Shacabka dibadbaxa dhigayay ayaa dalbanayay in ciidanka Somaliland ay ka baxaan dhulkooda gobalka Sool.

Leave a Reply

Your email address will not be published.